Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 




By Cumar Faaruuq Cisman.

Isimada Gobolka Nugaal oo ka dalbaday Col. Cabdullahi Yusuf in uu ka baxo magaalada Garowe. 04/12/01

Wararka naga soo gaagarya magaaalada Garowe ayaa ku waramaya in ay shalay go'aan soo saareen Isimada Gobolka Nugaal ay ka codsadadeen in uu Cabdullahi Yusuf isaga tago magaalada Garowe si loo baajiyo dhiig daata.

Isimahda oo shirayay muddo todobaad ah ayaa go'aankooda gacanta ka saaray Islaan Maxamed Islaan Muse oo ah duubka kali ay ee uu Cabdullahi Yusuf la soo xiriiro.

Dhinaca kale waxaa bartamaha magaalada Garowe ka dhacay shalay banaan bax ay isugu soo bexeen dad badan oo dalbanayay in uusan ka dhicin dagaal magaalada Garowe kana soo horjeedaan cid kasta oo dagaal abaabuleysa.

Col. Cabdullahi Yusuf oo wata 10 gaari oo tikniko ah ayaa shalay galay xerada 54aad ee maalmahan isku hor fadhiyeen ciidamao taabacsan Col. Jaamac Cali Jaamac iyo kuwa Col. Cabdullahi Yusuf ayada oo aan wax dagaal ah ka dhicin islamarkaasna u suura gashay Col. Cabdullahi Yusuf in uu soo rarto hub iyo saanaddtii tiilay halkaas.

Sidoo kale waxaa shalay kormeer ku tagay Ayriboorka iyo Dekedda magaalada Boosaaso Col. Jaamac Cali Jaamac.

Col. Jaamac ayaa dul dhigay kuwaas oo xoojinaya ciidanka ilaalada ka ah Garoonka Dayuuradaha waxaana shalay u suurta gashy in ciidamada Jaamac Cali Jaamac qabsadaan Koontaroolka Garowe ee dhanka Boosaaso.

WWW.samafale.org - Garoowe.