Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 




.

RA棚SUL WASAARE GALLEYDH OO GOLAHIISA WASIIRADA U QEYBIYEY QORAAL XIISAD KA DHEX DHALIYEY

Muqdisho:

Ra段sul Wasaaraha Dowladda KMG ah Dr. Cali Khaliif Galleydh ayaa shirkii uu shalay la lahaa Golahiisa Wasiirada ugu qeybiyey qoraalo boggag fara badan ka kooban oo markaa ku soo bandhigayey Ra段sul Wasaaruhu kharashyadii ay bixisay xukuumadda KMG ah, sida ay ku baxeen iyo weliba cidda amartay bixinta kharashyadaas, iyadoo uu markaa dukumintigaasna uu u muuqday mid uu Ra段sul wasaaruhu isaga fogeynayey eedeymaha soo noqnoqday ee ku saabsan siddii loo maamulay Miisaaniyaddii soo gashay Dowladda KMG ah, inkastoo ay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradu ay u sheegeen Wariyaheena Muqdisho in uu Ra段sul Wasaaruhu isaga gacantiisa ku soo sameystay Dukumintigaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan lagu kalsoonaan karin xaqiiqdiisa, bacdamaa bey yiraahdeen aanu ka soo bixin Hay誕d madax bannaan oo baaris iyo odorasid kaddib soo sameysay Dukumintigaan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xiisadii ka dhalatay qeybinta dukumintigaasi ay saameysay shirkii Golaha Wasiirada ee shalay, iyadoo Ra段sul Wasaaraha lagu eedeeyey in diyaarinta dukumintigaasi oo uu muddo todobaadyo ah uu ku heystay qolkiisa in uu si iskiis ah u soo diyaariyey, kaddibna u soo gudbiyey Golaha Wasiirada oo qaarkood ay qabaan in ay ku habbooneyd in ay iyagu ka soo baaraan degaan inta aanuu Ra段sul Wasaaruhu u muujin dukumintigaasi mid dhameystiran, maadaama ay ka shaki qabeen in uu u soo turxaan bixiyey sida uu doonay, waxayna Wasiiro ka tiran Golahaasi si hoose ay ugu sheegeen Wariyaheena in uu Ra段sul Wasaarugu ula jeeday soo bandhigidda dukumintigasi inuu ku ceebeysto dad gaar ah, isagoo weliba lagu wado in uu safar ugu kicitimo Mareykanka maalmaha soo socda.

Dhanka kalena Ra段sul Wasaare Cali Khaliif wuxuu shalay xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka C/qaadir Max弾d Aadan (Zooppe), waxayna ka wada haldeen qaabka loo dardargelin karo howlaha dib u heshiisiinta ee dalka.

Ra段sul Wasaare Cali Khaliif wuxuu sheegay Guddiga dib u heshiisiinta qaban qaabada ay Dowladda ugu jirto shirweyne dib u heshiisiinta oo ay isugu yimaadaan beelaha dega Gobolka Sh/hoose, kaddib markii Wasiirada Dowladda KMG ah ee ka soo jeeda beelaha Hawiye ay raalli gelin buuxda ka bixiyeen siddii beeshaasu ay ula dhaqantay dadweynaha Gobolka 10-kii sano ee dagaalada sokeeye.

Guddiga dib u heshiisiinta iyo hanti isu celinta oo aan wax shaqo ah qaban tan iyo kolkii lagu dhawaaqay ayaa soo dhaweeyey howlaha cusub ee dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda KMG ahi ku tilaabsatay.

www.samafale.org

 
Make your own free website on Tripod.com