Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 




By BBC.

Suldaan Garaase oo Wareeysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Cabdullahi Yuusuf Khasab loogaga Saarayo Magaalada Garoowe:

Suldaan Garaase oo Wareeysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Cabdullahi Yuusuf Khasab loogaga Saarayo Magaalada Garoowe:

Waxaan halkaan idiin ku soo gudbinaynaa wareeysi aay xalay laanta afsoomaaliga ee BBC- London aay la yeelatay Suldaan Saciid Suldaan Maxamad Garaase oo imminka ku sugan dalka Imaaraadka,waraysigiina wuxuu u dhacay sidaatn :

BBC: Maxaay Tahay Dareenka aad ka qabto Weerarka aad sheegayso. Garaase:-Mowqifkaygu waxaa weeye marka ugu horreysa dadka ku nool aagaas waa dad ehel ah oo nabadda jecel ,cabdullahi Rallinimo waa ku joogi jiray Garoowe ,madaxweeynihii Buuntlandina waa ku ahaan jiray ,laakiin hadda khasab buu ku galay oo xoog in uu ku haysto Magaalada Garoowana aad baan uga xumahay.

BBC- Dhibaatada taasi ku timid Suldaan waad la socotaa ,oo waa mid Siyaasadeed oo ah loolan Siyaasadeed oo Baryahaanba oognaa,maxaad ka qabateen arintaas. Garaase :Wax wayn baa laga qabtay ,waxaa shir isugu yimid shanta Gobol ee Buuntland iyo degmada Buuhoodle iyadoo aay halkaa ku kulmeen Isimo iyo ergooyin gaaraya 468 qof,oo waxgaradkoodii u dhan yahay ,doorashaa la galay cidkastana waa u furnayd ,sidaas ayaa doorashadu u dhacday saddex bilood iyo bar baa la fadhiyey adduunkuna waa ka warqabaa BBC:-Sida aan ka warqabno shirkii Garoowe shir loo dhan yahay ma u ahayn ,oo khilaaf ayaa ka taagnaa ,haddaba ma waynan idiin muuqan sida maantaba dhacday in arinta dhibaato ka imaankarto.

Garaase:Gobollo ma maqnayn hasayeeshe haddii la yiraahdo shakhsiyaad baa maqnaa waa oggolahay ,laakiin runta iyo xaqiiqdu waxaay tahay in shanta Gobol iyo degmada Buuhoodle aay isimo iyo ergooyin iyo dad waxgarad ah iyo aqoonyahanba aay joogeen ,hasayeeshe ummadi hal meel kuma soo wada dhaammato ,haddee shakhsiyaad Cabdullahi rabay iyo isaga qudhiisuba waa maqnaayeen. BBC-Hadda waatan arintii soo gaartay gacan ka hadalka ee maxaa talo ah ? Garaase:-Waxaan u sheegaynaa Cabdullahi ,haddii aay jiraan cid uu hadda talo ka qaadanayo ,isaga oo kamid ah dadka aanu odayaasha u nahay in uu si nabad ah isaga baxo magaaladaas Garoowe ,haddii aay taasi dhiciwaydo waxaan ka xumahay in aan sheego aniga oo dadka halkaas deggan oday u ah ,haddee haddii wiilkaagu kaa xishoonwaayo waxaa khasab ah in aad tustid wixii uu qaadan karayo sidaa darteed xoog in lagu saaro baa khasab ah haddii Cabdullahi uusan si nabadgalyo ah uga bixin Garoowe.

BBC:- Suldaan hanjabaad cad mayuusan ahayn hadalka aad imminka tiri . Garaase:Hanjabaad waa imaanaysaa marka si foolxun oo qaawan oo xishood darro ah la isku damaaciyo ,mana aha mid laga gabbanayo BBC:-Cabdullahi .ciidan buu wataa yaad saaraysaan masuuliyadda ? Garaase:Masuuliyadda cabdullahi baa qaadaya ,maantana ma jiro nin buqcadda yar oo ilaah ku abuuray lagaga xoog roon yahay , Soomaalina horay ayeey isku maquunin wayday . BBC:Ugu dambaystii innama ma u arkaysaa in arinta xal nabadgalyo ah loo heli karo. Garaase :Haa,laakiin waa marka cabdullahi dib ugu noqdo meeshii uu ka soo duulay ,ee hadda ma aha.

WWW.samafale.org - Garoowe.