Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 




By Cabdi Aadan .

Wareeysi dheer ayaa Shalay Qaybta afka Ingiriiska ee Faaqidaada Africa "Focus on Africa" aay la Yeelatay Jaamac Cali Jaamac Madaxweeynihii Buuntland oo Dhawaan la doortay.

Wareeysi dheer ayaa Shalay Qaybta afka Ingiriiska ee Faaqidaada Africa "Focus on Africa" aay la Yeelatay Jaamac Cali Jaamac Madaxweeynihii Buuntland oo Dhawaan la doortay.

Warbixinta BBC-du waxaay ku Bilaabatay Sidatan: Dadweeynihii waxaay bilaabeen in aay ka qaxaan magaalada Garoowe ,oo ah caasimadda Dawlad Goboleedka Buuntland ,kaddib markii hoggaamiyihii xilka laga qaaday Col. cabdullahi Yusuf oo soo qaaday weerar uu dib ugu qabsanayo magaalada Garoowe .Cabdullahi Yusuf waxaa Xilkii madaxweeynanimada Buuntland laga qaday bishii agoosto saddexdii sano oo uu hayey marka aay u dhammaatay ,hasayeeshe cabdullahi Yusuf marna ma oggolaan hoggaamiyaha Cusub ,Toddobaadkaana ciidamada Cabdullahi yusuf oo aay taageerayaan boqolaal itoobiyaan ah baa weerar ku soo qaaday ciidamadii daacadda u ahaa Hoggaamiyaha Cusub Jaamac Cali Jaamac dibna u qabsaday magaalada garoowe .

Jaamac Cali Jaamac qudhiisu wuxuu kamid ahaa dadkii ka qaxay magaalada Garoowe ,dadka qaarkiis waxaay nagu yiraahdeen Jaamac wuxuu Joogaa magaalada Qardho qar kalana waxaay noo sheegeen in uu Boosaaso joogo sidaa darteed waxaan helnay oo kula xiriirnay Taleefoonkiisii gacanta oo caalamiga ahaa waxaana waydiinay Suáalahaan Soo socda:

BBC: Xaggeebaad Joogtaa Imminka

Jaamac:Waxaan Joogaa Magaalada Boosaaso waxaana ka shaqaynayaa sidii aan u abaabuli lahaa dadweeynaha reer Buuntland sidii aay isaga celin lahaayeen weerarka gardarrada ah oo uu soo qaaday Col.Cabdullahi Yusuf oo aay taageerayaan ciidamo ka yimid dalka aanu dariska nahay ,waxaana caalamka ka codsanaynaa in aay nagu taageeraan sidii weerarkaas aanu isaga celin lahayn

. BBC: Marka aad leedahay waddan daris nala ah ma Itoobiyaanka baad u jeedaa Jaamac: Haa ,ciidamo Itoobiyaan ah baa la Socda .

BBC:Ma waxaad imminka Abaabulaysaa ciidamo dib u qabsada magaalada Garoowe

Jaamac:Dadweeynaha Garoowe iyagaa dhexdooda iska abaabulaya ,annaguna waxaan u diraynaa kaalmada aay u baahan yihiin ,shakina iigama jiro in shacbigu dib u qabsanayo magaalada Garoowe.

BBC: Dadka aad ii sheegtay in aay is abaabulayaan si aay u taageeraan Shacbiga reer Garoowe xaggee bay joogaan oo imminka ku sugan yihiin.

Jaamac:Dadkaasi waxaay joogaan Boosaaso iyo qaybaha kale ee Buuntland ,meelkasta oo aay joogaana dadweeynaha reer Buuntland isabaabul bay ku jiraan waxaana ka codsanay shacabka in aay iskaceliyaan weerarka lagu soo qaaday

BBC: Goormaa laga yaabaa in aad Garoowe dib u qabsataan Jaamac:Kuma Lihii Maantay ama Berri hasayeeshe waqtiga ugu dhaqsaha badan baanu dib u qabsandoonaa Garoowe.

BBC:Wararka aanu ka helnay Garoowe waxaay sheegayaan in Cabdullahi Yuusuf si buuxda gacanta ugu hayo Garoowe,maxaa taas ka jira.

Jaamac:Xaalku ma aha oo waa ka gaddisan yahay sida aad sheegayso ,magaaladana shacbigeedii baa Kontroola.

BBC:Taas ma waxaad ula jeedaa in ciidamadaadii aay wali Garoowe awood ku leeyihiin.

Jaamac:Ciidamo iima joogaan ,hasayeeshe shacbigii ku noolaa magaalada baa is abaabulay annaguna waxaan ku kaalmaynaynaa sidii aay isu difaaci lahaayeen .

BBC:Haddii aad wax nufuud ah ku leedahay Garoowe maxaad u tegi weeyday . Jaamac:Abaabul iyo Qabanqaabo baan ka wadaa halkaan aan joogo

BBC:Garoowe ma naftaadii baad kala soo baxsatay : Jaamac:Xaqiiqdu sidaa ma aha ,sababtoo ah waxaan joogay saacado badan inta uu socday weerarkii lagu hayeey gurigii aan deganaa.

BBC:Wax ma nooga sheegi kartaa khasaaraha dagaalkaasi u gaystay magaalada Garoowe : Jaamac:Waxaa ku dhintay 22 qof ,oo kala ah 7 qof oo ah dadweeynaha reer Garoowe iyo 15 qof oo dhinaca Cabdullahi Yuusuf ah.

BBC: Ma u haysaa wax caddeyn ah wararka sheegaya in Cabdullahi Yusuf aay la safan yihiin ciidamo Itoobiyan ahi.

Jaamac:Waa arin cad oo waxaa imminka jooga magaalada Gaalkacyo ciidamo Itoobiyaan ah oo wata sideed baabuur oo qarkood Tekniko yahay.

BBC:Gabagabadii maxaad filayaa in xiisadaan taagan aay ku dhammaandoonto.

Jaamac:Waxaan hubaa in iraadada iyo rabitaanka shacbigu uu guulaysandoono iyo in Cabdulalhi Yusuf iyo ciidamadiisana dibadad looga tuuridoono Buuntland.

WWW.samafale.org - Garoowe.