Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 




By Osman Mohamoud.

XAFIISKA MURASHAXA MADAXWEYNANIMADA EE DAWLAD GOBALEEDKA PUNTLAND

Mudane: Jaamac Cali Jaamac

Garoowe, Puntland

 

Axad, Nofeember 04, 2001 

Gudiga Doorashada Shir weynaha oo muujiyey xamaasad iyo dadaal, ka dib markii…………..  

Waxaa maanta dar dar la yaab leh muujiyey gudiga doorashada shirweynaha Dastuuriga 2aad ee Puntland, ka dib markii ay soo bandhigeen hanaan qiimi mudan oo ergada badideed ay u riyaaqeen, ayna dood dheer maanta ka dhacdey. Waxaa laysla gartey in khudbadaha loo kala horeeyo sidii loo soo kala qadintey dalabka madaxweynanimada, waxaa ugu horeeyey oo soo qadintey Maxamed Xaaji Aadan, oo khudbadda 1aad qaadan doona, waxaana ku xigga Murashaxa loogu niyadsan yahay in uu noqdo madaxweynaha mustaqbalka, Mudane: Jaamac Cali Jaamac.  

Waxaa kale oo laga dooday maanta sidii codbixinta loogu horeyn lahaa iyo gobalkii loo hormarin lahaa, waana socotaa, oo berri baa la soo afjarayaa idanka Eebbe. Waxaa iyana berri bilaabanaya haddii Eebaha awooda leh ogalaado khudbadaha Murashixiinta, ilaa iminka tiradooda waxa ay maraysaa 13 Murashax, ma garaneyno galinkii dambe cidii ku soo biidhey. 

Waxaa dhawaanahan caada laga dhigtey in Puntland iyo Soomaaliya aragagixiso hoygeed lagu tilaamo, waana arrin aad u liidata oo jiritaanka Soomaaliyeed lagu diidan yahay, sidaana waxaa yiri: Dr. Yuusuf Xaaji Nuur, Sii-hayaha madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland.  Dr. Yuusuf Xaaji Nuur, waxa uu sheegay in bahda caalamka ay ogaadaan in Puntland ay tahay dhul nabad ah oo aan aragagixiso joogin.  

Murashax, Mudane: Jaamac Cali Jaamac ayaa muujiyey walaac weyn uu ka qaba abaaraha iyo biya la’aanta ka jirta gobaladda Puntland qaarkeed oo uu roob sanadeedkii u di’in. Mudane, Jaamac waxa kale uu warbixin khaas ah siiyey maanta aqoon yahanada Puntland ee cilmiga u leh sidii looga samatabixi lahaa dhibaatadaa, isaga oo caddeeyey arrinta ugu adag ay tahay in ceelashii Puntland badidood ay u fadhiyaan dayactir la’aan, iyo qalabkooda oo qaali ah. 

Sidaa iyo iska warqab xiisa leh, waa naga intaa maanta akhbaarta Puntland.

Xafiiska Murashaxa,

Garoowe, Puntland

WWW.samafale.org - Garoowe.