Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 




By Abukar Saciid.

Saraakiil ka soo gadooday Isbahaysiga SRRC..

Saraakiil ka soo gadooday Isbahaysiga SRRC.. Muqdisho, (Apress)- Khamiis, December 06, 2001 Afar sarkaal oo ka mid ah Saraakiisha Isbahaysiga SRRC Madaxna u ahaa ciidan dhowr boqol gaaraya oo ka soo jeeday deegaannada Degmada Qoryooley ayaa ka soo gadooday Isbahaysiga kaddib markii ay isku diideen barnaamijyo ay wadeen qaar ka mid ah madaxda Isbahaysigaas.

Qaar ka mid ah Saraakiishaas oo Deegaanka Qoryooleey uu kula kulmay weriyeheenna Cismaan Amriika ayaa u sheegay in sabaha ugu ballaaran ay kaga soo tageen isbahaysiga ay tahay in la fulin waayay heshiis iyaga iyo Isbahaysiga u dhexeeyey, kaas oo ahaa qorshe midaysan oo ku wajahnaa gobolka Shabeelada Hoose, balse laga hormariyey qorshooyin kale. Waxay kaloo sheegeen in arrinta ugu ballaaran ee iminka keentay in si kama dambeys ah ay uaga soo tagaan isbahaysigaasi ay tahay in ciidammaddooda iyo kuwo badan oo ka tirsan Isbahaysigaba la damcay in lagu qasbo in ay ku biiraan oo ay gacan siiyaan ciidammada C/llaahi Yuusuf si ay gacanta ugu dhigaan dhammaan Gobolka Putland.

Ciidammada ka soo jeeda deegaannada Degmad Qoryooley ee ay Saraakiishaasi hormuudka u ahaayeen waxay ku sugan yihiin degmada Buur hakaba, waxayna gaarayaan illaa dhowr boqol, waxayna saraakiishaasi sheegeen in ay halkaasi xoriyad ka jirin uuna ku amar taagleeyo nin lagu magacaabo Col. Tafasse oo isagu wax walba gacanta ku haya, ahna shaqsiga ka dambeeyey fikradda ah in ciidammo SRRC ay ka qeyb qaataan dagaalada C/llaahi Yuusuf uu wado.

Wararkii ugu dambeeyey ee Garoowe..

Garoowe, (Apress)- Khamiis, December 06, 2001 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in Xaaladda Magaaladaasi ay aad u kacsan tahay. Ciidammo taageersan C/llaahi Yuusuf oo ka tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe si ay u xoojiyaan ciidammadii hore ee C/llaahi Yuusuf halkaasi ka joogay. Maleeshiyada C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in ay ka cabsanayaan in ay weerarro kaga yimaadaan ciidammo ka tirsan kuwa deegaanka oo waayadaan isku urursanayay goobo bannaan ka ah Magaalada Garoowe.

Odayaasha Deegaanka ayaa ugu baaqay C/llaahi Yuusuf inuu deg deg ugala baxo ciidammadiisa Magaalada Garoowe.

Waxaa la sheegay in dad fara badan ay ka qaxeen Magaaladaasi iyagoo qaarkood ay maalmahaan soo gaarayeen Magaalada Muqdisho, qaar kalena ay u dhaqaaqeen Magaalada Boosaaso. Waxaa kaloo lagu warramay in gebi ahaanba uu istaagay ganacsigii Magaalada Garoowe.

WWW.samafale.org - Garoowe.