Make your own free website on Tripod.com

Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 


Garoowe,Saturday, 30/09/2001

.

WAFDI ITOOBIYAAN AH OO TAGAYA SHIRKA GAROWE

Garowe Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay Magaalada Garowe, lagana soo xigtay Xubno sarsare oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Puntland ee ku sugan Magaalada Garowe ayaa sheegaya in dhawaan Magaalada Garowe uu soo gaari doono Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya.

Sida warku sheegayo Dowladda Itoobiya ayaa fariin qoraal ah u soo dirtay Mas’uuliyiin ka tirsan Xubnaha wada shirka Garowe ka socda, kaasoo ay kaga dalbadeen in ay wafdi u soo dirayaan Garowe si ay wax uga ogaadaan xaaladda Shirka, gaar ahaan arrimaha ku saabsan in shirkaasi ay ku lug leeyihiin Ururo Diimeed & Dowladda KMG oo ay Itoobiya u taqaano Kooxda Carte.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in xiriiro dhex maray Labada dhinac ay ogolaadeen Mas’uuliyiinta Itoobiya in Wafdiga Puntland uu yimaado, waxaana laga soo xigtay Islaan Maxamed Islaan Muuse iyo Yuusuf Xaaji Nuur in ay soo dhaweynayaan Wafdiga Itoobiya ayna ku faraxsan yihiin imaanshahooda, isla markaana ay u caddeynayaan in shirka Garowe wax shaqo ah ku lahayn Urur Diineed iyo Kooxda Carte.

SHIR GUDDOONKA SHIRKA GAROWE OO KU ADKAYSTAY GO’AAN UU HOREY U GAARAY

Sida uu inoo soo sheegay Wariyaheena Puntland Shir guddoonka Shirka Garowe Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa ku adkaystay in aan waxba laga bedaleynin axdigii hore ee Puntland, sidiisana lagu qaadanayo, kaasoo ay qaar ka mid ah ergooyinku soo jeediyeen in qeybo ka mid ah wax laga bedelo, gaar ahaan qodobada ku saabsan Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka iyo qodobo kale oo ay doonayeen in wax laga bedelo, isla markaasna Guddoomiyaha Maxkamadda sare lagu doorto Shirka, sida Madaxweynaha & Madaxweyne Ku-xigeenka oo kale si hadhow uusan u noqon shaqaale Dowle oo markii la doono shaqada laga fariisiyo ama amarkiisa la jebiyo.

Dhinaca kale Issimada Puntland ayaa qaar ka tirsan waxay maalintii shalay ku celiyeen in aysan jirin wax ka tirsan Ururka Al-itixaad oo ku sugan Garowe, isla markaasna dadka arrimahaas faafiyey ay yihiin dad ka soo horjeeda Shirka Garowe, sidoo kalena waxay iska fogeeyeen in shirkaasi ku lug leedahay Dowladda KMG.

wwwsamafale.org

--------------------------------------------------------------------------------