Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 




Samafale.org

Muran yar oo weli ka taagan Shirka Garoowe

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in mushkilad kale ay la soo deristay Shirkii Puntland ee Garowe ka socday oo la doonayay in lagu dhiso maamul cusub oo uu yeesho Ismaamul Goboledka Puntland kadib markii Shir Guddoonkii guud ee Shirkaasi Islaan Maxamed Islaan Muuse uu is Casilay.

Warbixin dheer oo halkaas uu inooga soo diray Wariyaheena Gobolkaas ayaa waxaa uu ku muujiyey waxyaabaha sababay in Islaan Maxamed uu is casilo, isla markaana shirka hakadka geliyey.

Arrintan ayaa markii hore ka bilaabatay kadib markii Shir guddoonka caadiga ah ee shirka oo lagu magacaabo C/llaahi Cilmi Faarax (Jacfar) uu 17-kaar u sameeyay Xubno cusub oo ka tirsan beelaha Sool iyo Buuhoodle, taasina ay keentay in ergooyinkii horey shirkaa uga qeyb galayay ee ka soo jeeday Sool & Buuhoodle ay diideen kadibna arrintaas loo saaray Guddi, iyadoo ergooyinkii ka socday Sool & Buuhoodlena ay baaritaan ku sameeyeen arrintaas ay ku ogaadeen in arrinta qaska ah uu ka dambeeyo Shir Guddoonka C/llaahi Cilmi Faarax kadibna ay go’aan ku gaareen in ay kalsoonida kala laabteen Shir Guddoonka & Xubintii ay Xogheynta ku lahaayeen Beelaha Sool & Buuhoodle, balse isku day uu isku dayay C/llaahi Cilmi Faarax (Jacfar) inuu hadal jeediyo laga hor istaagay kadibna lagu fooriyey taasina ay keentay in uu ka caroodo

Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ah Shir guddoonka guud ee Shirka, isagoo yiri “Ciddii aad doontaan keensada aniga waan iska casilay shir Guddoonn-imada” taasina ay sababtay in shalay shirka lagu kala dareero.

Arrintan Shirka qalqalka gelisay ee lagu eedeynayo Shir Guddoonka Shirka C/llaahi Cilmi Faarax oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante ayaa la ogaaday baaritaan la sameeyay in wax isdabamarinta uu sameeyay ay tahay isaga oo u ololeynayay in Madaxweyne Ku-xigeen laga dhigo Nin uu isagu watay oo ka mid ah Ragga u taagan Madaxweyne Ku-xigeenada, taasoo uu u arkay in ergooyinka Shirka fadhiya ee beeshiisa ka soo jeeda aysan doonaynin Ninkaas.

Arrintaa ayaa sidoo kale ka marneyn dhinaca Is kooxeysi xagga Diinta ah, iyadoo C/llaahi Cilmi Faarax oo ah Shir Guddoomiyaha caadiga ah ee shirka uu yahay Kooxda loo yaqaano Rabiiciyada uuna doonayo in Siyaasi ka mid ah Rabiiciyada loo doorto Madaxweyne Ku-xigeenka oo Beesha Dhulbahante ay leedahay.

Dhinaca kale Islaan Maxamed ayaa la sheegayaa in Wiilkiisa oo xogheyn u ah isaga horeyna uga mid ahaa Golihii Wasiirada Maamulkii C/llaahi Yuusuf uu isaga qudhiisa yahay Kooxda Rabiiciyada, taasina ay qeyb ka tahay is casilaaddii Islaanka oo ka carooday kalsoonida Beesha Dhulbahante ay kala noqotay

C/llaahi Cilmi Faarax oo ahaa shir guddoonka caadiga ah ee shirka.

Shirka ayaa shalay waxa uu ku dhamaaday buuq inkastoo la filayo in maanta dib la isugu soo laabto, waxaana haatan socda wadaxaajoodyo u dhexeeya Issimada beelaha iyo Ergooyinka ka qeyb galaya shirka si ay u suurtagasho in shirku uu sii socdo.

Suldaan Saciid Maxamed Garaase oo ah Islaanka Labaad ee ugu magaca weyn Gobollada Puntland ayaa isla shalay kulan la yeeshay ergadii ka socotay beelaha Sool & Buuhoodle, sidoo kale Issimada Bari ayaa kulan la yeeshay Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ah Shir guddoonka guud ee Shirka ee is casilay waxayna wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in laga yaabo in Shirka sidiisii hore lagu soo celiyo beelaha Sool & Buuhoodlana lagu qanciyo in ay iska dhaafaan Xubnihii ay kalsoonida kala laabteen oo uu ka mid yahay Shir guddoomiyaha C/llaahi Cilmi Faarax, Islaankana lagu qanciyo in uu ahaado Shir Guddoomiyihii guud ee shirka.

Yuusuf X. Nuur oo ah sii-hayihii Jagada Madaxtinimada Puntland ayaa isagu wax war ah ka soo saarin arrimihii shalay ka dhacay hoolka shirka Garowe.

Dhinaca kalena hoygii ay degenaayeen ergooyinkii ka socday Sool & Buuhoodle ayaa la weeraray, inkastoo gacanta lagu dhigay 7-Nin oo maleeshiyo ah oo falkaas ku lug lahayd.

WWW.samafale.org - Garoowe.

 
Make your own free website on Tripod.com