Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 


Ololihii doorashada Garowe




Ololihii doorashada Garowe

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe oo ah halka uu ka socdo Shirweynaha Puntland ayaa sheegaya in musharixiinta ka qeyb galaya tartanka doorashada Madaxtinimada Puntland oo ay haatan ergooyinku u fadhiyaan shirkii lagu dooran lahaa Xubnaha Maamulka Puntland sida Madaxweynaha & Ku-xigeenkiisa ayaa bilaabay olole ay ugu diyaar garoobayaan ku guulaysashada Jagadaas, iyadoo Xubin walba oo ka tirsan Xubnaha u taagan Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ay bilaabeen in barnamijyadooda u gudbiyaan ergooyinka isla markaana taageero ka dhex raadsanayaan ergooyinka ka qeyb galaya shirka si ay cod uga helaan.

Xubnaha ugu cadcad ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin Maxamed C/rashiid Cali Sharma’arke, Jaamac Cali Jaamac & Xubno kale, walow laga yaabo in rag kale ay soo baxaan.

Dhinaca kale shirka Garowe oo maalmahan hakad ku jiray ayaa lagu wadaa inuu maanta dib u furmo, waxaana bilaaban doona diyaargarowga ay ergooyinka u gelayaan sidii loo dooran lahaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

 
Make your own free website on Tripod.com