Samafale News



Home




Copyright © 2001 Samafale.org.

 




By Cusmaan Yusuf Maxamoud.

Sent: Wednesday, July 25, 2001 1:37 PM
Subject: Go'aankii Isimada Puntland.

GO’AAN

 ISIMADA PUNTLAND

GAROWE,  25 July, 2001

 

 Isimmada Puntland ee kulanka wada tashi ku yeeshay magaalada Garoowe 18 – 25 /7/2001, magacyadooduna hoos ku qoranyihiin, waxay ka baaraandegeen khilaafka siyaasaded ee la soo gudboonaaday dawlad Goboleedka Puntland (DGPL).

 Isimmadu:

 v     Markii ay heleen warqad summaddeedu tahay BL/XSM/003/2001, soona baxaday 7/7/2001, taaso ahayd casumaad uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland kaga dalbayay inay yeeshaan shir wada tashi;

v     Markii ay dhegaysteen warbixin uu soo jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayna ka baaraan-degeen qoraal uu u soo gudbiyay Isimmada 18/7/2001, isla markaana uu caddeeyay kalsoonida uu ku qabo go’aanka ay Isimmadu ka gaaraan arrimaha is-mariwaagu ka jiro ee ka taagan Puntland;

v     Markii Cabdullahi Yuusuf iyo Xubno ay isku aragtiyihiin ay diideen inay u qoor-dhiibtaan Isimmada oo wakhti badan u huray inay helaan kalsoonidooda

v     Markii ay arkeen dareenka dadka ee ku aaddan rabitaanka hannaan maamul oo ku dhisan tala-wadaag;

v     Markii ay arkeen awoodaha Axdiga Ku Meel Gaarka ahi siinayo Isimmada oo sida ku cad Qod.30.2 awood u leh inay go’an kama dambays ah ka gaaraan arrimaha la isku mari waayo, isla markaana ay u caddaatay in la garab-maray qodobbada Axdiga ku meel gaarka oo kala ah 28.4, 34.2 iyo 35.2

  waxay go’aamiyeen:

       Waxay Isimmadu u celiyeen taladii uu ku soo wareejiyay una aqoonsadeen in Guddoomiyha Maxkamadda Sare, Yusuf Xaji Nur uu yahay Sii hayaha xilka Madaxweynanimada ee Puntland tan iyo inta shirweynaha 2aad ee Puntland uu dooranayo madax cusub, taas oo waafaqsan Axdiga ku meel-gaarka ah.

       Maa daama wakhtigii bisha ahaa ee Axdiga Ku Meel Gaarka ahi qabtay ay ku luntay xal u raadintii khilaafka siyaasadeed, Issimmadu waxay farayaan Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha inuu ku soo qabanqaabiyo shirweynaha 2aad ee Puntland ilaa 31 Agoosto 2001;

       Isimmadu waxay faryaan dhammaan hay’adaha maamulka ee dawlad Goboleedka Puntland inay u hoggaansamaan sharciga, sidaas awgeedna ay hoos tagaan Sii-Hayaha Xilka Madaxweynaha, tan iyo inta shirweynaha 2aad ka dhamaysanayo hawlihiisa; Sidoo kale Hay’adaha caalamiga ah waxaa laga codsanayaa inay sii wadaan barnaamijyadii ay ka hir gelinayeen deegaanka Puntland, is-kaashina la yeeshaan xaafiiska sii-hayaha xilka Madaxweynaha

Wa Billahi towfiiq

  1. Islaan Maxamad Islaan Muuse________________________
  2. Graad cabdiqani Garaad Jaamac_______________________
  3. Beeldaaje Xaji Cabdullahi B.Ismaaciil_________________
  4.  Cali Boqor Muuse_________________________________
  5. Beeldaaje Cali Faarax ______________________________
  6. Suldaan Siciid Maxamad Garaase_____________________
  7. Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali (Keenadiid)_____________
  8. Suldan Siciid Cismaan______________________________
  9. Suldaan Axmad Maxamuud__________________________
  10. Suldaan Cabdullahi Axmad Nuur
  11. Suldan Siciid Maxamad Irbad________________________________
  12. Ugaas cabdulqaadir Cilmi Filig______________________
  13. Beeldaaje Salad Cali Faarx___________________________
  14. Suldaan Muusa Faarax_____________________________
  15. Garaad Cabdullaahi Maxamuud Dacar________________
  16. Suldaan Cabdullahi Xaaji Nuur_______________________
  17. Suldaan Cabdulqaadir Cumar Faarax____________________
  18. Maxmad Suldaan Xasan Cali Baalle____________________
  19. Suldaan Xaaji Cabdi Buurte____________________________
  20. Caaqil cabdi-wahaab Maxamuud Gurey (Xoghaye)______________

 

www.samafale.org

 
Make your own free website on Tripod.com