Samafale News | ||
Home | ||
Copyright © 2001 Samafale.org. | ||
By Osman Mohamoud.
XAFIISKA
MURASHAXA MADAXWEYNANIMADA EE DAWLAD GOBALEEDKA PUNTLAND Gudiga Doorashada Shir weynaha
oo muujiyey xamaasad iyo dadaal,
ka dib markii………….. Waxaa maanta dar dar la yaab leh
muujiyey gudiga doorashada shirweynaha Dastuuriga 2aad ee Puntland,
ka dib markii ay soo bandhigeen hanaan qiimi mudan oo ergada badideed
ay u riyaaqeen, ayna dood dheer maanta ka dhacdey. Waxaa laysla gartey
in khudbadaha loo kala horeeyo sidii loo soo kala qadintey dalabka madaxweynanimada,
waxaa ugu horeeyey oo soo qadintey Maxamed Xaaji Aadan, oo khudbadda
1aad qaadan doona, waxaana ku xigga Murashaxa loogu niyadsan yahay in
uu noqdo madaxweynaha mustaqbalka, Mudane: Jaamac Cali Jaamac. Waxaa kale oo laga dooday maanta
sidii codbixinta loogu horeyn lahaa iyo gobalkii loo hormarin lahaa,
waana socotaa, oo berri baa la soo afjarayaa idanka Eebbe. Waxaa iyana
berri bilaabanaya haddii Eebaha awooda leh ogalaado khudbadaha Murashixiinta,
ilaa iminka tiradooda waxa ay maraysaa 13 Murashax, ma garaneyno galinkii
dambe cidii ku soo biidhey. Waxaa dhawaanahan caada laga dhigtey
in Puntland iyo Soomaaliya aragagixiso hoygeed lagu tilaamo, waana arrin
aad u liidata oo jiritaanka Soomaaliyeed lagu diidan yahay, sidaana
waxaa yiri: Dr. Yuusuf Xaaji Nuur, Sii-hayaha madaxweynaha Dawlad Gobaleedka
Puntland. Dr. Yuusuf Xaaji Nuur, waxa uu sheegay in bahda caalamka ay
ogaadaan in Puntland ay tahay dhul nabad ah oo aan aragagixiso joogin. Murashax, Mudane: Jaamac Cali Jaamac
ayaa muujiyey walaac weyn uu ka qaba abaaraha iyo biya la’aanta ka jirta
gobaladda Puntland qaarkeed oo uu roob sanadeedkii u di’in. Mudane,
Jaamac waxa kale uu warbixin khaas ah siiyey maanta aqoon yahanada Puntland
ee cilmiga u leh sidii looga samatabixi lahaa dhibaatadaa, isaga oo
caddeeyey arrinta ugu adag ay tahay in ceelashii Puntland badidood ay
u fadhiyaan dayactir la’aan, iyo qalabkooda oo qaali ah. Sidaa iyo iska warqab xiisa leh,
waa naga intaa maanta akhbaarta Puntland. Xafiiska Murashaxa, Garoowe, Puntland
WWW.samafale.org - Garoowe.
| |