Samafale News | ||
Home![]() | ||
Copyright © 2001 Samafale.org. | ||
|
By Osman Mahmoud.
XAFIISKA
MURASHAXA DAWLAD EE GOBALEEDKA PUNTLAND Waxaa dhawaantan
soo cusboonaadey arrima xaasaasi ah oo laysku mari waayey, waxaana loo
aaneynayaa ergada Sool oo ku heshiin weydey qaabka ergada masilideeda,
oo dhawaqa xoogiisa uu ka yimid labada murashax Goonle iyo Faarax Warsame. Maalintii toraad aheyd ayaa waxaa
arrimahan ka fariistey sagaal Isim, waxayna soo saareen in ergada 17ka
ee laysku haysto dib loo hakiyo oo kolka hore shirka la furo, deetana
meeshaa laga anba qaado nidaam mira dhaliya. Waxaa in muda ah dabadeed
ka soo if baxay go’’aankii Isimada sagaalka ahaa mid ka duwan oo ay
soo saareen Isimada Sool, oo so jeediyey in 17 hor leh lagu daro, si
hawsha is qabadka ergooyinka loo idleeyo, waase laysku mari waayey,
oo waxaa loo fadhiyaa nidaam midkaa ka qurxoon. Waxaa maanta ka muuqda bulshada ku
dhaqan Garoowe warar aad u xiisa galiyey oo ka duwan kii dhawaantan
laysku mari waayey, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo furo. Waxaa dhawaantan loo fadhiyey magaalada
Boosaaso shirar aan kala go’’ laheyn oo lagu baadi goobayo sidii xal
loogu heli lahaa, dhibaatooyinka ku soo fool leh ee abaaraha iyo xaalufka
ee degaanka Bari. Waxaa shirarkaa ka soo qeyb galay xafiiska Murashaxa
Jaamac Cali Jaamac, hay’’ado caalami ah iyo maamulka BARI oo uu hogaaminayey
gudoomiyaha Gobalka Bari mudane: Yaasiin Cumar Dheere, mudahanuhu waxaa
la dhageystey warbixinadiisii iyo safaridii uu ku soo kala bixiyey degaanada
ay dhibaatada saameysay, waxaana halkaa ka furmay dooda balaaran iyo
gargaar deg deg in lala soo gaaro. Waxaa gudoomiyaha xafiiska ka soo
baxay qoraalo iyo codsiyo, waxaana xafiiska Murashaxa soo gaaray cabashadaa
wadaninimo. Xafiiska Murashaxa Jaamac, waxa ay sheegeen in ay hawl gal
balaaran ka galayaan sidii ay u taban taabin lahaa dhulkeena hooyo,
waxaana jecel nahay bay yiraahdeen in aanu idiin soo gudbino cabashooyinka
kale ee naga soo gaaray saaka degaanada Sanaag iyo Sool. Waxaan xusuusin naga mudan in aan
si deg deg ah idiin kugu soo sheegi doono E-mailka iyo taleefanka Gudoomiyaha
Gobalka Bari oo jecel in uu idiin sheego baahida shacabka Puntland,
khaas ahaan Gobalka Bari oo abaaro looga cabsi qabo. Maantey oo Salaasa ah 23ka Oktoobar,
waxaa xafiiska Murashaxa uu cadeeyey in guusha bisha Oktoobar ee Murashax
Jaamac Cali Jaamac ay aad u korodhay, uuna rajeynayo guul balaaran in
uu ka soo hoyo loolanka jagada madaxweynanimada ee Puntland. Waxaan halkaan ku soo lifaaqay warqad
dheer uu Sii-hayaha xilka madaxweynanimada Puntland, Dr. Yuusuf Xaaji
Nuur uu u dirayo hay’’adaha daneynaya in ay ogaadaan xogta Puntland
ee qaabka xawilaada iyo hufnaanta suuban iyo khidmiga wanaagsan ay ka
helaan dadweynaha Puntland hay’’adaha iyo bangiyada la eedeeyey. Waxaa uu Sii-hayaha uu u sheegay
aduun weynaha in ay u dheg yeeshaan dhawaqa dadka dulman ee reer Puntland,
oo aaney ku eedeyn qaaruun aaney shaqo ku laheyn iyo xulafooyin xisbiyeed
oo aan Puntland ka jirin, kuwa wadanka u dhashay oo iska hadaaqayana
oo ku sheegay in Puntalnd tahay xarun Itixaad iyo Usuuliyiin, waxaan
oranayenaa waa waxba kama jiraan, waana ka dacwooneynaa xag madniyad
iyo xag sharciba. Sidaa iyo iska warqab wacan Xafiiska Murashaxa, Garoowe, Puntland
www.samafale.org
| | |